Xaalada Jubbada Hoose

Kismaayo (KON)- Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobbolka Jubbada Hoose oo ay 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dagaallo xooggan ka jireen ayaa ku soo waramaya in saaku ay xaalada deggantahay oo aysan jirin wax dagaallo ah oo saaka markale dib u bilowday.
Warar Keydmedia Online
Xaalada Jubbada Hoose

Deegaanada Harboole,Miido iyo Biibi oo shalay lagu hardamay ayaa saaka deggan inkastoo ay wali muuqato dhiilada colaadeed ee u dhaxeysa dhinacyada ku loolamaya gacan ku heynta gobbolada Jubbooyinka.

Dagaal aad u xooggan ayaa shalay xoogaga Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kneya oo isku dhan iyo kooxda Shabaab ku dhexmaray deeganadaasi, waxaana jira khasaare kala duwan oo dhinacyada dagaalamay soo kala gaaray.

Dhanka kale saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Jubbooyinka ayaa wacad ku maray inay maalmaha soo socda ay gudaha u gali doonaan magaalada Kismaayo oo ah bartilmaameedkooda ugu weyn.

Maxamed Faarax Daahir oo la hadlaayay warbaahinta Keydmedia ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay ku qabsan doonaan magaalada Kismaayo, isagoona intaasi ku daray in hadda aysan jirin cid ka hor taagan qabsashada Kismaayo maadaama shalay ay jiireen difaacyadii Shabaab, sida u hadalka u yiri Maxamed Faarax.

Keydmedia Online -Xafiiska,Kismaayo




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.