Xaaladda kiisaska COVID-19 Soomaaliya oo isbadashay

Tan iyo markii ugu horreysay ee dalka Soomaaliya laga helay Caabuqa COVID-19 ayaa isbadal uu ku yimid kiisaskii xanuunkaasi.

Warar Keydmedia Online
Xaaladda kiisaska COVID-19 Soomaaliya oo isbadashay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada la wadaagtay warbixintii ugu dambeysay ee xanuunka Covid-19 kaasoo si weyn isku baddalay tan iyo markii cudarka faafa ee Corona Virus laga helay Soomaaliya.

Caabuqa Covid-19 ayaa adduunka oo dhan isku maray isagoo kasoo billowday waddanka Shiinaha sanadkii 2020, waxa uuna sameeyay laba kacleyn, iyadoo dad badan ay udhinteen, dalka Soomaaliya ayaana kamida waddama uu kusoo laba kacleeyay caabuqa halista badan ee Covid-19.

Warbixintii ugu dambeysa ee wasaaradda caafimaadka ay soo saarto ayaa si aada isbadal weyn looga dareemay, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay ee aan qofna laga helin kiisaskii la baaray ee Crona Virus.

Warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda ayaa sidan u qorneyd.

Tirada 24 -kii saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 770

o Laga Helay: 0

o Bogsashada: 21

Tirada Guud ee Laga Helay: 14,779

Bogsashada Guud: 7,016

Dhimashada Guud: 774

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.