Xafiiska UN-ka ee Muqdisho oo dibada kala yimid Ciidan ilaaliya

Uganda ayaa Muqdisho usoo dirtay 600 oo askari, kuwaasoo loogu tala-galay inay ilaaliyaan nabadgelyada xafiisyada QM ku leedahay Caasimadda Soomaaliya, oo dhowr jeer lasoo weeraray.

Warar Keydmedia Online
Xafiiska UN-ka ee Muqdisho oo dibada kala yimid Ciidan ilaaliya

Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya [UNSOM], ayaa dibada ka keensaday 600 oo askari oo u dhashay Uganda kuwaasoo amniga xafiisyada UN-ka ee Muqdisho ilaalin doono, maadaama xili kala guur ah dalka uu galayo.

Qeyb kama ahan, mana toos-tagayaan AMISOM, waxuu waajibkooda yahay inay sugaan nabadgelyada xafiis kasta oo QM ku leedahay Muqdisho, sida uu sheegay taliyaha Ciidanka imaanaya Lieutenant Colonel Francis Odikiro.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerartay UNDP iyo hay'ado kale oo UN-ku leeyahay, waxaana la dilay shaqaale samafalka ka shaqeynayay, iyadoo arintaas sare u qaadey walaac dhanka amniga, keentayna baahida in Ciidan gaar ah Uganda laga dalbo.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.