Xal hordhac ah oo laga gaaray khilaafkii Baladweyne

Ma jiro wax heshiis ah oo laga gaaray tagidda Guudlaawe ee Baladweyne, waxaana la filayaa in Madaxweynaha Hirshabeelle, uu maanta dib ugu laabto Jowhar.

Warar Keydmedia Online
Xal hordhac ah oo laga gaaray khilaafkii Baladweyne

BALADWEYNE, Soomaaliya - Cabdulaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), taliyihii hore ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xal hordhac ah laga gaaray gadoodkii ciidanka ku sugan Baladweyne ay sameeyeen 22 August 2021.

Kulamo socday labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa la isku af-gartay, in la xalliyo, khilaafka ka dhex qarxay reer Hiiraan, inta aan loo gudbin Hirshabeelle, Madaxwayne ku xigeenka Maamulkaas, Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) iyo wafti Muqdisho ka raacay oo uu ku jiro Sanbaloolshe, ayaana raalli galin ka bixiyay tallaabooyinkoodii sababay gadoodka ciidanka.

Sida uu xaqiijiyay Agaasimihii hore ee NISA, Ugaas Yusuf Ugaas Hassan Ugaas Khalif iyo Nabadon Cilmi Hagar Guure, ayaa ciidamadii la baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan, dib ugu celiyay xeryahoodii, waxaana lagu hesheeyay in aan beegsi gooni ah lagu sameyn.

Reer Balaadweyne, ayaa si weyn kaga soo horjeeda Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, kacdoonka shacabka iyo gadoodka ciidanka ayaa yimid, kadib markii maamulka G/Hiiraan uu isku dayay inuu xoog Guudlaawe, ku geeyo Baladweyne.

Ma jiro wax heshiis ah oo laga gaaray tagidda Guudlaawe ee Baladweyne, waxaana la filayaa in Madaxweynaha Hirshabeelle, uu maanta dib ugu laabto Jowhar.

Dhawaan Wasiirkii hore Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa weerar ku qaaday Madaxwayne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed), wuxuuna ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo coloodo hor leh oo ka curata Hiiraan.

Hayeeshee, Madaxweynihii hore ee Maamulkaas, Cali Cabdullaahi Cosoble, oo u jawaabay, ayaa Goodax ku eedeeyay inuu masuul ka yahay guud ahaan dib u dhaca Gobolka Hiiraan.

Kadib doorasho boob ah oo ka dhacday Jowhar, isla-markaana Kooxda Farmaajo xilka Madaxweyne ku saareen Cali Guudlaawe, ayaa sabab u noqotay in ay Hiiraan ka aas-aasanto Jabhad la magac baxday Kacdoonka Gobolka Hiiraan, taas oo uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud).

Hirshabeelle, ayaa ah maamulka kaliya ee aan wax doorsho ah ka billaban wali, waxaana la filayaan in dhawaan Jowhar lagu doorto kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, marka uu Guudlaawe ku laabto Shabeellaha Dhexe.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.