Xal la gaaray iyo Xildhibaannada KGS oo Xamar ku soo wajahan

Guddiga Doorashooyinka FEIT, ayaa fasaxay labo ka mid ah saddex kursi oo lagu celiyay maamulka Koofur galbeed, si Xildhibaannada maamulkaas uga qeyb galaan dhaarinta maanta.

News Keydmedia Online
Xal la gaaray iyo Xildhibaannada KGS oo Xamar ku soo wajahan

BAYDHABO, Soomaaliya – Sida ay Keydmedia Online, hore u baahisay, Guddiga Doorashooyinka heer Federaal [FEIT] ayaa xalay fasaxay kuraasta HOP204 iyo HPP103, oo hore loo hakiyay doorashadooda, halka is afgarad laga gaaray kursiga HOP154, lana go’aamiyay in dib loogu laabto doorashadiisa.

Xubno ka tirsan Guddiga FEIT, oo shaly tagay magaalada Baydhabo, ayaa ku dhawaaqay go’aankaan, wuxuuna daba socday soo jeedin ay sameeyeen Xildhibaanno mucaarad ah oo dhawaan tagay magaaladaas, kuwaas oo qorshahaan hor dhigay Cabdicasiis Laftagareen, oo aan isna ka muujin dareen gaar ah.

Kursiga HOP103, waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay Guddooomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamaed Sheekh Cismaan Jawaari, kaasoo Baydhabo loogu boobay Maxamed Cali Xasan, halka HOP204, loo dhacay Isaaq Cali Subag, waxaana tartanka kursigaas loo diiday Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Sida wararku sheegayaan Xildhibaannada Koofur galbeed, ayaa saaka ku soo wajahan Muqdisho, waxayna qaadan doonaan shahaada Guddiga FEIT, ka hor inta aysan qeyb ka noqon dhaarinta Baarlamaanka 11-aad ee JFS, oo maanta ka dhaceysa Teendhada Afasiyooni , ee xeyndaabka garoonka diyaaradaha.

Tallaabadaan ayaa ka dhigan, inuu fashilmay qorshiihii kooxda waqtigu ka dhamaaday ee ahaa in aysan dhicin dhaarinta Xildhibaannada inta Guddiga FEIT, xal u helayaan kursiga HOP086, oo Fahad Yaasiin, ka soo boobay Baladweyne, sidoo kale waxaa fashilmay isku daygii Qoorqoor ee curyaaminta dalaalka FEIT.

Xogo ay heshay KON, ayaa sheegaya in dhaarinta kadib, kulanka baarlamanka laga dhigyo mid rasmi ah, si shaqsiga ugu da’da weyn ugu doortaan Guddoon ku meel gaar ha, kadibna loo diyaar garoobo doorashada Guddoonka Golayaasha, loona dhiso goddoonkii ka shaqeyn lahaa doorashada Guddoonnada iyo Madaxweynaha.

Inta badan shaqada Guddiga Doorashooyinka heer Federaal [FEIT], ayaa soo gabagabi doonata dhaarinta kadib, marka laga yimaado dhameystirka doorashada kuraasta dhiman, waxaana hoolaha dorashooyinka sare la wareegi doona Xog-hayaasha Baarlamaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.