Labo kamid ah qodobada ugu waaweyn fashilka Farmaajo
Kooxahan ayaa shalay Barqadii gudaha u galay xarunta waxaana dad barakacayaal ah oo hada dagan halkaasi ay weydiiyeen Hub ay sheegeen in Hey'addii halkaasi daganeed ay laheyd, waxaana dadka halkaasi dagan lagu qasbay in aanu ka bixi karin xarunta isla markaana loo baahanyahay in ay goobta ku sugnaadaan.
Mid ka mid ah Dadka halkaasi lagu xayiray ayaa u sheegay Keydmedia.net in kooxaha Hubeysan ay la wareegeen iminka furayaashii haanta Biyaha iyo Matoorka korantada waxaana si weyn ay indhaha ugu hayaan Dableyda dhaqdhaqaaqa dadka halkaasi dadgan.
Qoysaska halkaasi hada ku nool oo ay tiradooda gaareyso ilaa 20 qoys ayaa waxa ay ka soo barakaceen Degmooyinka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho waxaana dadkaasi ay heyb wadaag yihiin milkiilaha gurigaasi oo lagu magacaabo Xaaji Abuukar oo la dhashay Cumar Fiyaaska oo Hey'adaasi madax ka ahaa xili isla markaana lagu dilay isla goobta hada lagu hareereysanyahay.
Hey'adda DBG ee hada darteed halkaasi loogu hareereysanyahay ayaa waxa ay ka soo guurtay halkaasi xili hore waxaana warar hoose ay hada sheegayaan in ay ku shaqeyso Deegaanada ay Dowlada ka taliso.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments