Xasan Sheekh oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb

Dhuusamareeb ayaa noqon doonta magaalada 2-aad ee Xasan Sheekh, socdaal ku tago, kadib Baydhabo, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee dalka 15 May 2022.

News Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta lagu wada inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabadii ugu danbeysay ee soo dhaweyntiisa.

MW Xasan ayaa muddo labo cisho ah booqasho ku joogay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed, wuxuuna saacadaha soo socda u safri doonaa Galgaduud, halkaasoo uu ku tagi doono socdaal uu ugu magac daray “Tareenka nabadda”.

Wafdi horudhac u ah booqashada Madaxweynaha ayaa shalay gaaray Dhuusamareeb, kaasoo uu hoggaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, qeybna ka ahaayeen Xildhibaano heer Fadaraal iyo Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaalia.

Dhuusamareeb ayaa noqon doonta magaalada 2-aad ee Xasan Sheekh, socdaal ku tago, kadib Baydhabo, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee dalka 15 May 2022, wuxuuna halkaas kulamo kula qaadan doonaa MW Qoorqoor iyo bulshada caasimadda.

Dowladdii hore ayaa Koofur Galbeed iyo Galmudug, si xoog ah kuraasta ugu sarreeya ku saartay Laftagareen iyo Qoorqoor, kuwaas oo garab midig u ahaa Farmaajo, waana sababta Xasan Sheekh ku qasabtay in isaga oo aan la caleema-saarin ugu tago fadhigooda.

Xasan ayaa la filayaa inuu ugu danbeyn habeenka Axadda ah u soo hoydo Muqdisho, si loogu diyaar garoobo caleemo-saarka Madaxweynaha oo qabsoomaya 9-ka bishaan, isla-markaana ay ka soo qeyb galayaan inta badan Madaxda dalalka geeska Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 1 July 2022 19:42

The directorate said that even with the resumption of the Somali market, they are still targeting European countries, which in 2014 banned the crop after it was classified as a drug.