Xasan Daahir “ Ganacsatada Dagaalka ha ka qeyb galaan”

Hogaamiyaha Xisbiga Dagaalada ka wada Dalka Xasan Daahir Aweys oo ka qeyb galay shir ujeedkiisa ahaa qorshe lagu dar dar galinayo wax u qabadka barakacayaasha Soomaaliyeed ee duleedka Muqdisho ayaa ku dhaliilay ganacsatada in aanay ka qeyb galin dagaalka ay ku jiraan Xisbigiisa iyo kooxaha ku afkaarta ah.
Warar Keydmedia Online
Xasan Daahir “ Ganacsatada Dagaalka ha ka qeyb galaan”

“Ganacsatada gar gaarka shacabka ka sakow waa in ay ka qeyb galaan Dagaalka, waayo Dagaalka waa waajib diini ah” sidaa waxaa yiri horjooge Xasan Daahir oo qudbad u jeediyay ka qeybgalayashii kulankaasi. Inkastoo Mr Aweys uu ku dhaliilay ganacsatada ka qeyb gal la’aan dagaal ayaa hadana waxaan shaki ku jirin in ganacsatada iyaga oo u baqayo xoolahooda in gacan aan qarsooneen oo joogta ah ay siiyaan kooxaha Dowlada ka soo horjeeda, waxaana qarashaadka laga qaada ay yihiin kuwa sandula ah oo aan barya aheyn. Waxaa la wada xusuusanyahay in ganacsato Soomaaliyeed oo magaca laheyd lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha kadib markii ay u dul qaadan waayeen lacagaha maandhaafka ah ee maalin walba ay ka qaadaan kooxaha Dowlada ka soo horjeeda. [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]