Egypt releases Somalia girl who killed driver for attempted rape
Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in shalay galinkii danbe maamulka Idaacada GBC iyo Xasan Daahir Aweys ay kulan qaateen isla markaana uu maamulka ugu gacan haatiyay Mr Aweys in ay si nabad ah ugu soo wareejiyeen idaacada isla markaana ay noqoto mid fulisa danahooda.
Laakiin maamulka ayaa ka dhaga adeegay arinkaasi, taasina waxa ay soo dadajisay in saakay waabarigii ay ku jarmaadaan ciidamo uu hogaaminayo xasan daahir Xarunta idaacadaasi oo ku taala degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir.
Waxaa la xaqiijiyay in shaqaalaha idaacadaasi lagu amray in ay howshooda wataan isla markaana waxaa magacii Idaacadda laga dhigay Idaacada Islaamiga ee GBC.
GBC waxa ay noqoneysaa idaacadii ugu horeysay ee ay la wareegaan Xisbiga uu Xasan Daahir hogaamiyo waxaana ay tani muujineysaa in ay ka maseersan yihiin idaacadaha tirada badan ee ku hadala Codka Alshbaab ee ka jira gobalada kale duwan ee dalka.
Add comment
Comments