Xiisad ka taagan Galguduud

GALGUDUUD(KEYDMEDIA) Wararka aynu ka heleyno gobalka Galguduud qeyba ka mid ah oo ay shalay ku dagaalameen shabaab iyo ahlu-suna ayaa sheegaya in halkaasi wali xiisad dagaal ay ka taagan tahay.
Warar Keydmedia Online
Xiisad ka taagan Galguduud

Dagaalka xoogiisa ayaa shalay ka dhacay deegaanada Goddhurwaa iyo Ceel lahelay, waxaana wararku ay sheegayaan in aanu dhinacyada haba yaraatee wax horumar ah kala gaarin marka laga reebo in dad ay kala dileen hub badana ay adeegsadeen.

Waxa ay ku kala sugan yihiin halkii hore loo kala joogay, waxaana iminka ay wadaan labada dhinac isu hub gurasho iyo qaban qaabo dagaal, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyay dagaalada dhacay in ay ku geeriyoodeen dad lagu qiyaasay 20 qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo shacab isugu jira.

Xiliya hore ayaa shabaab iyo Ahlu-suna dagaalo ku dhex maray gobalka Galguduud waxa ay isugu geesteen qasaaro dhimasho iyo dhaawac, wallow midba kan kale oo ugu faanay inuu jab xoogan gaarsiiyay.

Keydmedia.net