Xiisado ka taagan Kismaayo iyo Col. Warfaa oo digniin u diray Raskambooni

Muqdisho (KON) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jiraan xiisado Dagaal oo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo Maleeshiyaad-Beeleedka Raaskambooni ka dib markii uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday shirkii ay lahaayeen dowlada iyo maamulka Axmed madoobe.
Warar Keydmedia Online
Xiisado ka taagan Kismaayo iyo Col. Warfaa oo digniin u diray Raskambooni

Xiisadaha laga dareemayo magaaladaasi Kismaayo ayaa waxay ka danbeeyeen sida la sheegay ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ay gudaha u galeen magaaladaasi.

Afhayeenka ciidamadda dowladda ee gobolada Jubbooyinka Col. Warfaa Sheekh Aadan  ayaa sheegay in ciidamo ka socda dowladda oo dhawaanahaan ku sugnaa duleedka Kismaayo inay gudaha u galeen magaalada Kismaayo.

Warfaa sheekh Aadan ayaa uga digay cidamadda maamulka KMG ah gaar ahaan kuwa Raaskambooni inay sii wadaan dhaq dhaqaaqaya ay oga soo horjeedaan ciidamadda dowladda ee gudaha u galay Kismaayo sida uu hadalka udhigay

Dadka ku sugan magaaladaasi ayaa waxay dareemayaan cabsi balaaran oo ku aadan in ay halkaasi ka dhacaan dagaalo u dhaxeeya dhinacyadaan, haatan ku wada sugan magaaladaasi Kismaayo.

keydmedia Online Xafiiska Muqdisho