Xijaar wuxuu wali u xaglinayaa eedeysanayaasha

Ra’iisul Wasaraha Xil-gaarsiinta Rooble, ayaa kalsooni siiyay Xijaar, hayeeshee, kulamada kala duwan ee uu la qaatay Fahad, ayaa abuuri kara shaki hor leh.

Warar Keydmedia Online
Xijaar wuxuu wali u xaglinayaa eedeysanayaasha

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar ka mid ah taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, ayaa siyaabo kala duwan kulamo ula yeeshay Agaasimihii hore ee hay’ada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, eedeysane Fahad Yaasiin, kadib markii uu dalka dib ugu soo laabtay saacadihii hore ee shalay.

Saraakil ay ku jiraan, Taliyaha guud ee Booliska Generaal Cabdi Xasan Xijaar, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole iyo Talihii hore ee Nabad-sugidda Gobolka Banaadir, Yaasin Farey, ayaa hoyga uu Madaxtoyada ka degan yahay kulamo kala duwan shalay ilaa xalay kula qaatay Fahad.

Lama oga qorshaha rasmiga ah ee ka dambeeya kulamadaas, hayeeshee, waxa ay ka turjumayan in hoggaanka CQS, uu wali si weyn ugu lug leeyahay eedeysane Fahad.

Kulamadaas ayaa dhaliyay is-weydiin ku aaddan sababta keentay in Xijaar iyo Qaroolle la kulmaan Fahad oo horraantii bishaan laga xayubiyay xilkii uu hayay, isla-markaana ku eedeysan dilka Ikraan Tahliil, kuna socdaan baaritaanno maxakamadeed.

Farey oo aan wax xil ah heyn iyo Qaroolle, oo qeyb ka ah regime-ka waqatigu ka dhamaaday ayaan laga muujin wax xasaasiyad ah, hayeeshee, bulshada ayaa si weyn isku weydiisay waxa ku hoos duugan kulanka Xijaar iyo Fahad.

Xijaar, wuxuu qeyb ka ahaa Kooxda Farmaajo, tan iyo markii xilka loo magacaabay, wuxuuse is-gaabiyay kadib markii ay bartamihii April caasimadda soo galeen Ciidamadii Badbaado Qaran ee ka soo hor jeeday muddo kordhintii uu Farmaajo sameystay.

Ra’iisul Wasaraha Xil-gaarsiinta Rooble, ayaa kalsooni siiyay Xijaar, hayeeshee, kulamada kala duwan ee uu la qaatay Fahad, ayaa abuuri kara shaki hor leh.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.