Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow oo ka hadlay dil wadareed

Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa ka hadlay dil wadareed ka dhacay deegaan hoos yimaada degmada Warsheekh.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow oo ka hadlay dil wadareed

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa waxa uu cambaareeyay kana tacsiyeeyay falkii ka dhacay deegaan hoos taga Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xildhibaanka oo ku sugan xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar ayaa war qoraala oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri sidan "Waxaan cambaareynayaa kana tacsiyadeynaya falka arxan darrada ah ee ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo Hooyo iyo labo carruur ay dhashay lagu dilay" Xildhibaanka ayaa falkaas ku tilmaamay mid Argagax leh, wuxuuna yiri "Falkaas argagaxa leh waa mid ka fog diinta Islaamka in dad birimageydo ah oo Haween iyo carruur ah la dilo"

Xildhibaan Carabow ayaa maamulka iyo bulshada ka codsaday in ay u istaagaan wax ka qabashada dilkan wuxuuna yiri isagoo sii wata hadalkiisa "Waxaan ka codsanayaa maamulka deegaanka, waxgaradka iyo culumaa'udiinka inay u istaagaan wax ka qabashada arrintaas in aanay sababin fidno kale, kooxdii falkaas geysatay in la soo qabto si Cadaaladda loo horgeeyo"

Falalka gurracan ee lagu laayo qoysas iyo dad kaleba waa kuwo ka dhaco inta badan dhulka Soomaaliya, isla deegaankan warsheekh waxaa sanadkan bartamihiisii ka dhacay dil wadareed lagu laayay 6 wadaado oo quraan saarayay hooyo xanuunsan, waxaana kamida ahaa wadaadadaasi laba macallin oo wada dhalatay kuwaasoo hooyadood in ay quraan saaraan u soo diyaariyay 5 wadaad oo kale, waxaana goobta lagu dilay 6 kamida 7-dii wadaad.

Maamulka Hirshabeelle iyo ciidamada dowladda ayaan weli wax wara kasoo saarin dhacdadan foosha xun.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.