Xildhibaan Fiqi oo Farmaajo farriin u diray

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka BJFS islamarkaana ah wasiirka Amniga gudaha Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa farriin udiray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan Fiqi oo Farmaajo farriin u diray

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS ayaa weerar afka ah ku qaaday, kuna dhaliilay siyaasadda Farmaajo ee ku aaddan habka uu ula dhaqmay siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu kusoo qoray bartiisa Facebook -ga ku billaabay sidan “Xalay waxaa loo dabaaldegey munaasabadda 26 Juun oo ah maalinta xorriyadda gobollada waqooyi (Somaliland) balse sidii caadadu ahaan jirtay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah odayga ugu da’da weyn isla markaana ugu xilka sarreeya dadka reer waqooyi (Somaliland) goobjoog kama auusan ahayn mana garab taagnayn Farmaajo, goobta musaanadda ka dhacaysayna gurigiisa tallaabooyin ayey u jirtay

Xildhibaan Fiqi oo ah wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa aad udhaliilsan siyaasadda kooxda Famaajo ee ku dhisan waxa uu ugu yeeray Indha-sarcaadka, kooxdan ayaa waxay dhagaha ka fureystaan baaqyada iyo talooyinka ay soo jeediyaan dadka ka aragtida duwan, waana waxyaabaha ay caanka ku yihiin in ay si dadban iyo si toosa uga soo hor jeestaan aragtida qoyaha ay ugu yeeraan dowlad diidka iyagoo ula jeeda Mucaaradka!

Fiqi ayaa kooxda u sheegay in aysan marnaba is hilmaansiin waxa ka socda dalka, iyo xaaladda lagu jiro "Haddii gobollada xorriyadooda loo dabaaldegayo xaaladda ay ku sugan yihiin waqtigan la joogo aan is hilmaansiinno, una xafladeyno sidii toddobaatameeyadii loo xafladeyn jiray, haddii dadkii midnimada u taagnaa kuwoodii u waaweynaa aan la qadarineyn laguna dul xafladaynayo, sow ma muuqato in madaxda reer Koonfurtu ay weli munaafaqaynayaan, dhabna aysan ka ahayn waxa ay afka ka sheegayaan. Waxaan qabaa in dood furan oo xaqiiqda la dul istaagayo in arrintan laga furo, lana laabo albaabka dhalanteedka iyo indha-sarcaadinta” ayuu kusoo gabagabeeyay Xildhibaanka aragtidiisa.

Munsabadda 26-ka Juun ayaa xalay lagu xusay xarunta Villa Somalia, halkaasoo ay kasoo qeyb galeen wasiirro, xildhibaanno, iyo dhallinyaro ka tirsan shaqaalaha dowladda kuwaasoo dhammaantood kamid ah saaxiibada Farmaajo, waxayna xafladdii weyneed ee umadda Soomaaliyeed ka dhaxaysay u qabteen sida xaflad iyaga u gaar ah, waxayna albaabada ka xirteen mas'uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.