Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka oo geeriyooday

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsanaa mudanayaasha Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka oo geeriyooday

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo kamid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow ku geeriyooday Muqdisho.

Xildhibaanka oo tirsan Golaha Shacabka BJFS ayaa la xaqiijiyay geeridiisa, iyadoo la sheegay inuu maalmahan xanuunsanaa ugu dambeyntiina uu u geeriyooday wax yar kahor.

Marxuumka ayaa soo noqday Ra'iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda xukuumaddii RW Cali Maxamed Geedi sanadkii 2004-tii.

Marxuumka ayaa sidoo soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Ruushka intii ay jirtay dowladdii milatariga Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.