NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Lama oga halka uu kusii jeeday iyo ujeedka, laakiin waxay wararku sheegayaan in laamaha amniga Garoonka ay qabteen kadib markii ay aqoonsadeen.
HARGEYSA, Soomaaliya - Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, oo katirsan Gollaha Shacabka, islamarkaana ah Musharax Madaxweyne ayaa Maanta oo Axad ah lagu xiray Garoonka diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa.
Saraakiisha amniga Somaliland ayaa Xildhibaanka ku xiray xabsi boolis oo ku yaalla Cigaal International Airport, waxaana la filayaa in dib loo soo celiyo maalinta berri ah, sida ay illo-wareedyo u sheegeen Keymedia Online.
Wararka ayaa sheegaya in Musharax Mustaf Dhuxulow uu transit ku ahaa Garoonka, isagoo ka yimid Muqdisho, kuna sii jeeday safar dibadda ah, waxuuna isticmaalayay Baasaboor UK.
Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan xariga Xildhibaanka, oo kusoo beegmaya xili xiriirka Muuse Biixi iyo Farmaajo uu gaarey mudooyinkii dambe meeshii ugu hooseysay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments