Odowaa “Soomaaliya wey ka gudubtay xiligii madaxdu sida ay rabaan u dhaqmayeen”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Odowaa oo ka tirsan Xildhibaanda Golaha Shacabka BJFS ayaa farriin u diray madaxweyne Farmaajo isagoo ku eedeeyay inuu faraha kula jiro howlihii loo igmaday Hay'adda Sharci dejinta ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 

Warar Keydmedia Online
Odowaa “Soomaaliya wey ka gudubtay xiligii madaxdu sida ay rabaan u dhaqmayeen”

MUQDISHO, Soomaaliya - Mid kamida xildhibaanada ugu fir-fircoon Golaha Shacabka BJFS oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si toosa farriin ugu diray Madaxweyne Farmaajo isagoo ku eedeeyay in madaxweynuhu uu wado falal uu kaga tallaabsanayo Dastuurka KMG ee dalka u yaal.

Xildhibaan Odowaa ayaa cinwaan uga dhigay qoraal uu ku soo qoray bartiisa gaar ah ee Facebook "Wax ka badalidda dastuurka" waxa uuna ku caddeeyay in Farmaajo uu billaabay in uu wax ka baddalo dastuurka dalka u yaal isagoo horay u sameeyay falal ka baxsan kana hor imaanaya Dastuurka dalka u yaal.

"Xeerka Madaxweynaha maanta soo saaray ee lagu badalay qodobka 136 ee dastuulka, waxa uu khilaafsan yahay Dastuurka, iyo mabaadi’da uu ku dhisan yahay nidaamka fedraalka ah , Madaxweynaha awoodihiisa ku xusan qodobka 90 ee Dastuurka ka mid maahan sharci dajin iyo wax ka badalid dastuur.

Awoodda sharci dajinta iyo in wax laga badalo dastuurka waxaa leh Baarlamaanka. Tilaabada Madaxweynaha waxa ay qayb ka tahay kutumashada Dastuurka oo caaado iyo tilmaan lagu yaqaan u ahayd Farmaajo oo muddo xileeddkiisa gaba-gabo yahay" ayuu yiri xildhibaanka

Waxa uuna sii raaciyay isagoo tilmaamaya sida looga badbaadi karo in dalka uu galo firaaq dastuuri ah "Haddii ay Madaxweynaha ka go’an tahay in laga badbaado firaaq dastuuri ah waxaa qasab ah in uu ka shaqeeyo in Baarlamaanku kulan deg deg ah yeesho dabeetana, Wadanka laga samata bixiyo firaaq dastuuri ah. Sida uu sameeyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 9-aad iyada oo aan lagu tuman dastuurka iyo shuruucda dalka" 

"Madaxweynaha waxaan lee yahay Soomaaliya waa ka gudubtay xiligii Madaxdu sida ay doonaan u dhaqmayeen, oo aan lala xisaabtamayn. Wadanku dastuur ayuu leeyahy, haddii wax laga badalayo waa in loo maraa wadada saxda ah" ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.