Xildhibaan Sahra: Baarlamaanka Isbaaro ayaa la dhigtay

Mursal ayaa afduubay fadhiyadii Gollaha Shacabka isagoo adeesanaya Ciidamada dharcadka Nabad Sugida NISA.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan Sahra: Baarlamaanka Isbaaro ayaa la dhigtay

MUQDISHO, Soomaaliya - Haweenay kamid ah Gollaha Shacabka oo lagu magacaabi Sahra C/qaadir ayaa sheegtay in Isbaaro la dhigtay Baarlamaanka kadib markii fadhigii Maanta oo kusoo dhamaaday fowdo iyo buuq.

Iyadoo wariyeyaasha kula hadlaysay gudaha Villa Hargeysa, Xildhibaan Sahra ayaa wax aan horey loo arag ku timaantay wixii ka dhacay Maanta kulanka Gollaha Shacabka oo Ciidamo 200 oo askari gaaraya lagu soo daadiyay kadibna caburin ku sameeyay codka xubnaha Mucaaradka.

"Waxaad Maqli jirteen isbaaro, laakiin Maanta Baarlamaanka ayeey ka dhacday," ayay tiri Xildhibaan Sahra, iyadoo ku baaqay in Mursal uu sharciga ilaaliyo, sidoo kalena Farmaajo joojiyo faragelin uu ku hayo laanta sharci-dejinta dalka.

Waxay ku eedeysay fowdadii dhacday Mursal oo doonaya inuu xoog ku meel-mariyo Mooshin loo soo dhiibay oo mudo kordhin loogu sameynayo Farmaajo oo qas iyo qalaan-qal siyaasadeed kawado dalka.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Gollaha Shacabka ayaa xaqiijiyay in Mursal uu af-cad ugu sheegay gudi Xildhibaanno ah oo Maanta la kulmay inuu fashilmay heshiiskii doorashadda ee September 17, islamarkaana mudo-kordhin loo sameynayo Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.