Xildhibaan: Al shabaab waa loo fududeeyaa Weerarada Muqdisho {Dhageyso}

Muqdisho (KON) - Mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Kooxda Al shabaab loo fududeeyo Weerarada isagu jira Dilalka & Qaraxyada ay ka fuliso Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Xildhibaan: Al shabaab waa loo fududeeyaa Weerarada Muqdisho {Dhageyso}

Isagoo Wareysi siinayay Radio Kulmiye iyo Keydmedia Online, Xildhibaan Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa tilmaamay in aysan suurtgal ahayn in Labo Dhalinyaro ah oo Bastoolado wata ay Maalin Cad ku dilaan Askarta Dowladda ama Shaqsi kale oo hadana iska baxsadaan, iyadoo Ciidamada DFS ay joogaan Goob kasta oo Magaalada kamid ah.

"Haddii aad fiiriso sida ay markasta u baxsadaan Ragga Weerarada ka fuliyo Muqdisho, waxaa iska cad in ay jiraan Xubno ka tirsan Dowladda oo la shaqeeya Kooxda Al shabaab. Suurta gal ma ahan in Maalinkasta la dhaho way baxsadeen kuwii Falka fuliyay," ayuu yiri Xildhibaan Dhuubow.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Saraakiisha Amniga Dowladda ay yihiin kuwa aan Aqoon & Qibrad u lahayn Howlaha Amaanka, oo lagu soo xulay Nin Jeclaysi & Qabiil, taasina ay keentay in Rag ka tirsan Al shabaab oo hubaysan oo Gaadiid wata in ay soo galaan Caasimadda oo ay Meeshii ay doonaan si Fudud ku weeraraan.

"Dadka Shaqada Amaanka loo dhiibay ma ahan kuwa aqoon & karti u leh sugida Amniga dalka, waxaa lagu soo xulaa Qabiil & Nin Jeclaysi, oo dalka dib u dhigtay 22 Sano ee lasoo dhaafay. Amniga Muqdisho wuu sii xumaanayaa, Al shabaab halkii ay doonaan ayay Weerar ku qaadaan, Qofkii ay doonaan ayay dilaan, aaway Ciidankii Dowladda?..Maxay uga hortagi waayeen Ragga fulinaya Weerarada," ayuu raaciyay hadlkiisa Xildhibaanka.

Xildhibaan Dhuubow, ayaa xusay in Xukuumadda uu hogaamiyo RW C/weli Sheekh Axmed ay Mas'uuliyadeeda Qaranka gudan waysay oo ay wax ka qaban waysay Falalka Amni darrada ee soo noq-noqday ee ka dhacaya Muqdisho, isagoo intaasu ku daray in Fursad la siiyay Al shabaab si ay Howlgalkii ay rabaan uga fuliyaan Caasimadda.

Wuxuu sheegay in Dadkii Aqoonta u lahaa Howlaha Amniga la dilay ama Xilka laga qaaday.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Halkan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Dhuubow.