Xildhibaan ku xirnaa Norway oo la sii daayay

Oslo(Keydmedia) Waxaa shalay ay go’aamisay maxkamad ku taala Magaalada Oslo ee dalka Norway in dib loo fasaxo isla markaana uu xoriyadiisa helo C/raxmaan Cabdi Suldaan oo ahaa xildhibaan ka tirsan dowladda KMG ah.
Warar Keydmedia Online
Xildhibaan ku xirnaa Norway oo la sii daayay

Suldaan oo la hadlay warbaahinta sii deentiisa kadib ayaa sheegay inuu ku eedeesnaa falal la xiriira taageerada maxkamadihii islaamka ee burburay iyo inuu aad uga soo horjeeday joogitaankii Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Muqdisho laba sano ka hor.

“ Waxaa ley xiray 2008,dii dabayaaqadeedii, laakiin muda ayaan ahaa maxkamad suge, shalay ayeena soo idlaatay maxkamadii oo la cadeeyay in aan ka madax banaanahay eedaha la ii heystay” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay C/raxmaan Cabdi Suldaan isagoo ku sugan magaalada Oslo ee Dalka Norway.

Mr Suldaan mar la su’aalay inuu dalka imaanayo isla markaana uu la shaqeyn doono dowladda ayaa waxa uu sheegay inaanu arinkaasi qorshihiisa ku jirin, isla markaana ay ka dayacanyihiin howla gaar ah oo badan.

Www.keydmedia.net