Xildhibaanada oo kulamo Gaar gaar ah ku leh Muqdisho

Muqdisho(Keydmedia) Waxaa seddexdii casho ee la soo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho ka soconayay kulamo gaar gaar ah oo ay xildhibaanada Baarlamaanka ku yeelanayaan gudaha Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Xildhibaanada oo kulamo Gaar gaar ah ku leh Muqdisho

Kulamada ayaa waxaa kala abaabulaya Madaxweynaha oo doonaya in la ansixiyo xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Farmaajo, iyo gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wasiiro hore oo dhaliishan xukuumadda isla markaana doonaya in iyaga dib loo soo magacaabo.

Wasiirada ku lugta leh qaska iyo fawdada ka dhex jirta Baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirkii hore ee Ganacsiga C/rashiid Cirro, Wasiirkii Haweenka Fowziyo Max’ed Shiikh, Wasiirkii Beeraha Max’ed Ibraahim Xaabsade, Wasiirkii dhalinyarada iyo Sports-ka Khadiijo Max’ed Diiriye.

Xildhibaanada qaarkood oo aan la hadalnay waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin qaabka ay wax u socdaan iyagoona taas sabab uga dhigay tani in ay tahay fursad ay dhaqaale ku kasban karaan, maadaama codkooda uu lacag joogo xiliyada la ansixinayo xukuumad ama R/wasaare.

Baarlamaanka dhexdooda ayaa isku tuur tuuraya mas’uuliyadda khilaafka, waxaana xildhibaanada xoogooda ay dusha uga tuurayaan in dhibaata walba oo ka dhacda baarlamaanka dhexdiisa uu mas’uul ka yahay gudoomiyaha Baarlamaanka uu isugu ku hor gudban sida la sheegay talaaba walba oo ay xildhibaanada damcaan in ay qaadaan.

Dowladda is heysta ee uu khilaafka u dhaxeeya ayaa ah mid ka talisa xaafada kooban oo muqdisha ah, isla markaana ay kor ka ilaaliyaan ciidamo ajaanib ah oo dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya dhibaatooyinka dagaal ee dalka ka jira.

Www.keydmedia.net

 




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.