Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo RW Rooble la kulmay

Qaar kamida Xildhibaanada Galmudug oo uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamanka DGG ayaa xafiiska RW Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kula kulmay.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo RW Rooble la kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanno ka socda dowlad goboleedka Galmudug oo uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Nuur Gacal ayaa magaalada Muqdisho u yimid si ay ula kulmaan RW Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdiga xildhibaanada ayaa ujeedada ugu weyn ee ay ula kulmeen Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya ay tahay sidii loo sii deyn lahaa koox dhallinyaro ah oo lagu soo eedeeyay Burcad-badeednimo, isla markaana lagu xakumay Xabsi. Dhallinyaradaas ayaa waxay kasoo jeedaan deegaanada Galmudug, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada ilaalada xeebaha Jasiiradda Siishalis, iyagoo maxkamad soo taagay kuna Xukumay Xabsi.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu soo wareejiyay maxaabiista iyadoo sida uu sheegay Madaxweyne Siciid Deni lala galay heshiis ah in Xabsiga uharsan ay ku dhammeystaan Puntland, maxaabiista oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayey kuwii deeganada Puntland sii daayeen, kuwii kale ee Galmudug ahaana waxay ku xireen Xabsi dhexe oo ay maamusho Puntland.

"Sii deynta iyo wareejinta maxaabiistaas waxa uu ku xiray shardi madaxweyne Deni"  sidaa waxaa u sheegy KEYDMEDIA ONLINE mid kamida xildhibaanadii kulanka ku sugnaa, shardiga Puntland ayaa ah in haddii dowladda Soomaaliya ay soo codsato in loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho ay ku wareejin doonaan, waxayna Puntland iska diiday in ay Galmudug ku wareejiso maxaabiista.

Wafdiga xildhibaanada Galmudug ee la kulmay RW Rooble ayaa qodobkaas soo wareejinta maxaabiista kala hadlay waxayna sidoo kale ka codsadeen RW in lasii daayo mashaariicdii Galmudug ee horay loo xayiray, sidoo kale waxay ka codsadeen sidii deegaanada Galmudug ee ku jira gacanta Al-Shabaab looga gacan siin lahaa.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.