Xildhibaanno lagu dhaawacay Jowhar

Saddex ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle, ayaa dhaawacmay kadib, weerar bumbo Gacmeed loo adeegsaday oo ka dhacay Jowhar.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaanno lagu dhaawacay Jowhar

JOWHAR, Soomaaaliya - Guri ay ka deganaayeen magaalada Jowhar seddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa daqiiqado ka hor lagu weeraray bam-gacmeed la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray.

Dhacdada kaddib, waxaa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka Jowhar oo rasaas fara badan furay, taas oo ilaa iyo hadda aan caddeyn qasaaraha ay geysteen.

Goobta Bam-gacmeedka lagu tuuray ayaa ah xaafad ay si weyn u degen yihiin musharaxiinta iyo xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle ayna ka fogeyn hotelada waaweyn ee magaalada Jowhar.

Wixii Faahfaahin dheeraad ah kala soco Keydmedia.net.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.