Xildhibaanno loo diiday iney shiraan

Sida ay heshay KON waxaa is hortaag lagu sameeyay shir lagu waday inuu ka qabsoomo xarunta kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka BJFS ee Villa Hargeysa

Warar Keydmedia Online
Xildhibaanno loo diiday iney shiraan

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo doonayay in ay shiraan ayaa loo diiday, Xildhibaanda ayaa ku shiri lahaa Villa Hargeysa oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee Xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka Xildhibaanadaan ayaa waxaa la damacsanaa in looga hadlo laba qodobo oo kala ah, doorashada iyo dhallinyarada lagu la’yahay dalka Eratariya, sida ay Keydmedia English kusoo qortay barta Twitter. 

SOURCES: @TheVillaSomalia bars MPs from holding a meeting on the issue of #Somali soldiers killed while fighting along ENDF and Eritrean forces battled TPLF in Tigray region last year. NISA boss Fahad Yasin recruited the Schoolboys & sent them to #Eritrea for training secretly. pic.twitter.com/KiFw3F4n0M

— KEYDMEDIA English (@Keydmedia) January 24, 2021

Afhayeenka Golaha Shacabka Baarlamanka JFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa is hortaagay, isagoo amar ku bixiyay in aan xarunta Golaha Shacabka lagu shiri karin, waxaana sidaas ku baaqday qorshihii ahaa in xarunta Baarlamanka ay ku shiraan qaar kamida mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya.

Keydmedia Online ayaa heshay xogta ku saabsan baaqashada shirka iyo is hortaagga lagu sameeyay mudanayaashii qorsheynayay inay madaxweynaha Soomaaliya ka dalbadaan inuu ka warbixiyo arrinta muranka xooggan dhalisay ee ku qasabtay waalidiinta bannaanbaxa dhigayay maalimihii u dambeeyay ee ku saabsan caruurta ku maqan Eratariya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.