Xilliga ay dhaceyso doorashada guddoonka guddiga doorashada SL

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray waqtiga la qabanayo doorashada guddoonka guddiga doorashada Soomaaliland.

Warar Keydmedia Online
Xilliga ay dhaceyso doorashada guddoonka guddiga doorashada SL

MUQDISHO, Soomaaliya - War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in iyadoo la tixraacay go’aankii Ra’iisul Wasaare Rooble ee xal u helidda khilaafka muddada ka jiray guddoonka guddiga doorashooyinka Soomaaliland ee SEIT, la qabanayo doorashada sabtiga soo socda oo ku beegan 7-ada Agoosto 2021.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa aqbalay dalabkii Guddoomiyaha Aqalka sare ee waqtigiisu dhamaaday Cabdi Xaashi, ee ahaa in doorashada kuraasta Soomaaliland, lagu qabto hankarka ciidanka cirka, (Teendhada Afisyooyin).

Muranka iyo isfaham waaga ka dhex jira labada garab ee Siyaasiyiinta Soomaaliland, ayaa noqday caqabad lagama gudbaan ah, hayeeshee, sida muuqa RW Rooble, ayaa hadda si buuxda ula wareegay maamulka doorashada kuraasta Soomaaliland.

Labada daraf ee isku haya kuraasta Soomaaliland, waxaa kala hoggaaminaya Cabdi Xaasi, Guddoomiyihii Aqalka Sare iyo Mahadi Guuleed, Ra’iisul Wasaare ku xigeynka oo ku daaban Fahad iyo Farmaajo.

Cabdi Xaashi, wuxuu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday inuu magacaabo guddi madaxbannaan oo labada dhinac ku wada qanci karaan, si xal kama danbays ah loogu helo arrimaha muranku ka taagan yahay.

Hayeeshee, RW ayaa soo jeedintaas dhagaha ka xirtay, wuxaana 11 xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland la faray in ay Saddex maalin kadib xaadiraan Afisyooni, si ay guddoomiye u doortaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.