Ximan iyo Xeeb: “Diyaar baan u nahay Mideynta Gobollada Dhexe”

Cadaado (KON) - Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka hadlay Mideynta Gobollada Dhexe, wuxuuna C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) sheegay inuu diyaar u yahay Mideynta Gobolada Dhexe.
Warar Keydmedia Online
Ximan iyo Xeeb: “Diyaar baan u nahay Mideynta Gobollada Dhexe”

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Qorshaha Gobollada Dhexe, asagoo sheegay in Maamulkiisa uu diyaar u yahay in la sameeyo Maamul loo dhan yahay oo hoostaga Dowlada F. Soomaaliya.

C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa sheegay in uu diyaar u yahay Maamulka laga dhisayo Bartamaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Maamulkiisa uu u tanaasuli doono, hadii la helo Maamul Isku fikir ah.

"Hadii Maamul mid ah la sameeyo, waxaa noqoneynaa Maamulka ugu horeeya ee tanaasulaya” ayuu yiri C/laahi Cali Maxamed (Baarleex).

Sidoo kale, Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale ayaa kadib Shirkii looga hadlayay Aayaha Gobalada dhexe oo ka dhacay Muqdisho sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay Mideynta Gobollada Dhexe.

Gobalada dhexe ayaa kamid ah Gobalada ugu xasrada badan ee Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo