Xog: RW Rooble oo ku wajahan dalka Masar

Masar iyo Soomaaliya waxay ka mid ahaayeen aasaasayaashii Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), isla-markaana waxay xubin ka yihiin Jaamacadda Carabta.

Warar Keydmedia Online
Xog: RW Rooble oo ku wajahan dalka Masar

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maalmaha soo socda ku wajahan dalka Masar, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxweynaha dalkaas Abdel Fattah El-Sisi.

Sida ay caddeynayaan xogo loo qaateen ah, Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa marka uu soo gabagabeeyo booqashadiisa Kenya, wuxuu si deg deg ah ugu safri doonaa Caasimadda dalka Masar ee Qaahira (Cairo).

U jeedka socdaalka Rooble, ayaa ku qotama, hagaajinta xiriirka labada waddan oo hoos u dhacay afartii sano ee la soo dhaafay, kadib markii Farmaajo, uu si lala yaabay uga baxay garabka dalka Masar, isla-markaaana ula jirsaday dalka Itoobiya oo khilaaf dhanka biyaha ah uu kala dhaxeeyo Egypt.

Xiriirka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Masar iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuu waligiis ahaa mid xooggan oo qoto dheer, waxaa lagu tilmaami karaa xiriir taariikhi ah, maadaama uu soo tixnaa tan iyo xilligii Fircoonnadii Hatshepsut, - Fircoonkii Shanaad ee Boqortooyadii Siddeed iyo Tobnaad, markaas oo ganacsato dalkaas ka yimid ay Soomaaliyaa ka qaadeen fooxa, taas oo sababtay in uu dhasho magaca Dhul-udug (Puntland).

Masar waxay ka mid tahay waddammadii ugu horreeyey ee aqoonsaday madaxbannaanida Soomaaliya 1960-kii, waxaana si weyn looga qadariyaa Soomaaliya AUN Maxamed Kamaaludiin Salaax, lataliyihii Afrika ku metelayey Ergada tala-siinta Wasaayada Talyaaniga ee Soomaaliya, kaas oo Muqdisho la dilay 1957-dii, kadib markii uu dadaal u galay sidii uu Soomaaliya uga caawin lahaa xornimo iyo in aan la kala jarin midnimada dhuleed ee Soomaali weyn.

Kadib xornimadii Soomaaliya, Dowladda Masar, waxay ka qeyb qaadatay hormarka dalka, gaar ahaan dhanka waxbarashada, iskuulo Masaari ah ayaa lixdamaadkii laga helay Muqdisho, halka ardayda Soomaalida ah loo fasaxay dhigashada jaamacadda Al Azhar.

Kadib burburkii Dowladdii Kacaanka, Masar, waxaa lagu qadariyaa in ay tahay Dowlddii labaad ee si daahfuran uga shaqeysay qorshayaashii dawlad-dhisidda Soomaaliya marka laga yiimaado dalka Jabuuti, mas'uuliyiinta Masar ayaana ka qeyb galay shirar kala duwan oo caalami ah oo lagu taageerayay geeddi -socodka nabadda Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen shirkii Khartuum ee 2006, shirkii Jabuuti ee 2008, iyo shirkii Qaahira 2010.

Masar iyo Soomaaliya waxay ka mid ahaayeen aasaasayaashii Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), isla-markaana waxay xubin ka yihiin Jaamacadda Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, ayaa la filayaa inuu soo af-jaro madmadowga uu Farmaajo galiyay xiriirka soo jireenka ah ee Masar, kadib marka uu ka soo laabto Kenya oo qudheeda uu hadda u joogo hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed oo Farmaajo dano shaqi ah u xumeeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.