Xog: RW Rooble oo u safraya Kismaayo iyo Nairobi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u safraya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose, si loo dhamaystiro khilaafaadkii muddada ka taagnaa arrinka gobolka Gedo.

Warar Keydmedia Online
Xog: RW Rooble oo u safraya Kismaayo iyo Nairobi

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay ogaatay Keydmedia Online, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maalmaha soo socda u safri doona magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland, kadibna wuxuu ku xijin doonaa socdaal uu ugu amba baxayo caasimadda Kenya ee Nairobi.

Rooble, wuxuu Kismaayo u tagayaa xalka arrinta Gobolka Gedo, oo ka mid ah caqabadihii ugu waaweynaa ee sababay dib u dhaca doorashooyinka dalka.

Guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland, ayuu hore u magaacabay RW Rooble, taas oo ku caddeed, heshiiskii doorashooyinka ee la gaaray 27-kii May.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa hore u go’aamiyay in Rooble uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo, xili ay hore ugu sugnaayeen ciidamo si gaar ah uga amar qaata Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Dhanka kale, Rooble, wuxuu u socdaali doonaa Kenya, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo xorguf kala dhaxeyso Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo.

Xiriirka labada dal ayaa soo hagaagayay dhawaanahaan, waxaana la filayaa in labada dhinac si buuxda u dhameeyaan madmadowgii jiray sanadihii la soo dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.