TPLF oo soo bandhigeysa askar Soomaaliyeed

War aysan Keydmedia Online xaqiiji karin run ahaantiisa ayaa sheegaya in maamulka TPLF, uu maalmaha soo socda soo bandhigi doono askar Soomaaliyeed oo laga qaaday Eretria, si ay uga garab dagaallamaan ciidamada Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
TPLF oo soo bandhigeysa askar Soomaaliyeed

TIGRAY, Soomaliya - Macluumaad hordhac ah oo laga helayo waqooyiga Itoobiya gaar ahaan, is-maamulka Tigray, ayaa sheegaya in TPLF ay ku jirto diyaar garoow ay ku soo bandhigeyso dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay Itoobiya dhamaadkii sanadkii hore 2020 iyo billawga sanadka 2021.

Sida ay sheegayaan falanqeeyayaal amni oo ka howlgala geeska Africa, lana hadlay Keydmedia Online, Maamulka Tigray, ayaa maalmaha soo socda soo bandhigi doona askar ka tirsan militariga Soomaaliya, taas oo noqon karta xaqiiqada ugu weyn ee arrinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee la la’yahay.

Inkastoo Keydmedia Online aysan xaqiijin karin wararka iska soo dabadhacaya, hadana haddi ay dhab noqdaan waxay noqon doontaa soo afjaridda rajada Farmaajo, waxaana loo aqoosan doonaa danbiile ku kacay khiyaano qaran.

Wararkan ayaa ku soo aadaya, ayadoo Golaha Midowga Mushariixta Soomaaliyeed, ay xalay soo saareen war qoraal ah oo ay ku dalbanayaan in Farmaajo laga hor istaago tartanka doorashada maadaama ay ugu yeereen danbiile qaran.

Bishii Janaayo ee Sanadkaan Dowladaha Soomaliya iyo Itoobiya ayaa beeniyay warka laxariira in ciidammo Soomaaliyeed ka dagaalameen Itoobiya, hayeeshee, tan iyo xilligaas waxaa taagnaa walaac la xariira halka ay ku sugan yihiin dhalinyaro si sharci darro ah loo askareeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.