Xijaar iyo Fahad Yaasiin oo banneynaya xilalka ay hayaan

Ilo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaya in maalmaha soo socda la badali doono inta badan taliyayaasha ciidamada, waxaana ugu horreeya Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin, iyo Taliyaha Booliska Xijaar.

Warar Keydmedia Online
Xijaar iyo Fahad Yaasiin oo banneynaya xilalka ay hayaan

MUQDISHO, Soomaaliya - Macluumaad ay heshay Keydmedia online, ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay xilalka banyan doonaan taliyaha Cidanka Booliska Soomaaliya, Jenaraal Cabdi Xasan Maxamed ‘Xijaar’, iyo taliyaha Ha’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Sida wararku sheegayaan Taliyaha Booliska Xijaar, ayaa loo ballan qaaday in lala raadin doono kursi Senetar Aqalka Sare ah, waxaana xilkaas loo magacaabi doonaa Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ‘Bashiir Goobe’ oo hadda haya xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

Bashiir Goobe, labo jeer ayuu soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sidoo kale wuxuu soo qabtay jagada Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin ayaa isna la rajeynayaa inuu xilka banneeyo, wuxuuna u diyaar garoobayaa loollan adag oo uu ku doonayo kursiga Barlamaanka Aqalka hoose ee uu hadda ku fadhiyo xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir.

Dhanka kale, waxaa jira taliyayaal kale, oo is badalkaan uu saameyn karo, kuwaas oo uu ka mid yahay taliyaha ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo dhowr maalin ka hor, ciidama ka amar qaata ay ku lug yeesheen weerar ka dhan ah, Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.