Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Xogaha laga helaayo goobtaasi ayaa sheegaya in shalay markii kulanka uu furmay kadib wakiilada ajnabiga isaga dhex bexeen dhinacyada Soomaalida iyadoo dood ku saabsan qodobada cusub ee dastuurka ay dhexmartay madaxda DKMG ah iyo Faroole.
Madaxweynaha Dowlada KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeynba soo jeediyey, isagoo sheegay in la iska diidayo ku mashquulida dhaliilaha isla markaana laga wada shaqeeyo sidii horey loogu socon lahaa wada shaqeyn danaha Shacbiga.
Madaxweyne Shariif iyo Ra'sul wasaare C/weli Gaas ayaa si wadajir ah u amaanay kaalinta Odayaasha dhaqanka ee shirka ka socda Muqdisho, waxayna labaduba ku adkeysteen in odayaasha dhaqanka ee hadda ku shirsan Muqdisho ay horey u sii wadaan kulamadooda iyo soo xulista ergada 825 ee ansixineysa dastuurka cusub.
Waxaa kulankii xalay oo saqda dhexe la iskula gaaray uu u muuqday in Maxweyne Shariif, Raysul wasaare C/weli Gaas iyo saaxiibkood Shariif Xasan ay isku aragti ka ahaayeen dhamaan arimaha laga hadlay,sidoo kale Wakiilka Suufiyada ayaa la dhacsanaa aragtiada xubanhaasi, halka Maamulka Galmudug uusan ilaa hadda muujin inuu la safan yahay kooxdani, balse ma muujin inuu taageero u hayo Ninka ka hor yimid Kooxdani kaasoo ah Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.
Faroole wuxuu kaloo ka biyo diiday qodobada ka hadlaaya in dalka Madaxweyne iyo Ra'isul wasaare uusan ka noqon karin shakhsi heysta baasaboor ajnabi ah taasoo uu ku sheegay inay caqabad ku tahay siyaasiyiin badan isla markaana aysan la jaanqaadi karin marxalada ka jirta Soomaaliya waqti xaadirkan.
Qodobka kale oo laga dooday ayaa ah in guddi ka kooban 15 xubnood oo dusha ka maamula odayaasha dhaqanka la magacaabo, ayna isla ogaadaan guddigaasi lixda saxiixayaasha roadmap-ka, Waxaana guddigaasi hawshiisa lagu sifeeyey inuu u xilsaarnaan doono ka ilaalinta baarlamaanka cusuyb iyo golaha 825 ah inaysan soo gelin dad ay ku micneeyeen ‘qaswadayaal iyo argagixiso’.
Waxaana qodobkaani aad u taageeray dawlada Ethiopia oo si cad u sheegtay inay walaac ka qabto dadka xilalka ka qaban doona dawlada soo socota ee Soomaaliya.
Shirka ayaa maanta galay maalintii labaad, waxaana dusha kala socda wakiilada Mareykanka, Ethiopia, Kenya, Qaramada Midoobay, Yurub iyo Midowga Afrika. Waxaana sida la filayo la sugayaa in saacadaha soo socda lixda nin ay soo saaraan wax ay isku waafaqsan yihiin si beesha caalamka loogu gudbiyo.
Keydmedia.net - // WADANKA
Add comment
Comments