Xubnaha Gugida Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe oo laga soo celiyay Guriceel

Guriceel (KON) - Maamulka Ahlu Sunna, ayaa Maanta oo Sabti ah u diiday in Xubno kamid ah Gudiga Farsamada Maamul u samaynta Gobolada Galgaduud & Mudug inay galaan Magaalada Guriceel.
Warar Keydmedia Online
Xubnaha Gugida Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe oo laga soo celiyay Guriceel

Xubnaha Gudiga oo ka koobnaa 15 Qof, ayaa Maanta dib loogu soo celiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, kadib markii ay Ahlu Sunna ka hor-istaagtay inay ka degeenn Garoonka Magaalada Guriceel, ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka Ahlu Sunna, ayaa ku micneeyay Tallaabada ay ugu diideen Xubnaha Gudiga Maamul u samaynta Gobolada Dhexe Labo Sababood oo kala ah 1- In aan lagu soo wargelin Imaanshahooda, 2- In aysan damaanad qaadi karin Amaankooda inta ay Guriceel ku sugan yihiin.

Maamulka Ahlu Sunna waxa uu sheegay sidoo kale in aysan ku qanacsanayn Gugida dhismihiisa & Maamulka loo dhisayo Gobolada Galgaduud & Mudug oo qeybo kamid ah ay maamulaan.

15-ka Xubnood ee laga soo celiyay Maanta Guriceel waxa ay kamid yihiin 27 Xubnood oo ka kooban Gudi loo xilsaaray inay dhisaan Maamul ay ku midaysan yihiin dhamaan Maamulada & Beelaha degan Gobolada Galgaduud & Mudug.

Waxaana Maamulka KMG ah lagu dhisayaa Mudo 45 Maalmood gudahooda Shir ka furmi doono Magaalada Cadaado, ee Xarunta Maamulka Ximan & Xeeb.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho