Xubno Al-Shabaab ah oo howlgal lagu dilay

Howlgalka ayaa ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose maanta oo Talaado ah, waxaana dawladda ay sheegtay in ay dishay xubno Al-Shabaab ah.

Warar Keydmedia Online
Xubno Al-Shabaab ah oo howlgal lagu dilay

BARIIRE, Soomaaliya - Labo kamid ahaa Malleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaa ku dhintay dagaal ay Ciidanka dawladda kula galeen duleedka degaanka Bariire, ee gobolka Shabeellaha Hoose Maanta oo Talaado ah.

Axmed Xasan oo ah taliyaha Ururka 143aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kamid markii ay Al-Shabaab isku dayday inay soo weerarto Tuulooyinka Balow iyo Nuunaay, oo dhawaan laga saarey.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.