Xukuumaddii Kheyre oo Maxkamad lasoo saarayo todobaadkaan

Warar Keydmedia Online

Keydmedia Online ayaa waxey heshay macluumaad sheegaya in todobaadka soo socda (7-13 September) Maxkamad lasoo saari doono Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo qaar kamid ah Wasiiradda Xukuumadda.

Xukuumaddii Kheyre oo Maxkamad lasoo saarayo todobaadkaan

Ilo ay Keydmedia Online ka heshay Madaxtooyadda Soomaaliya, oo aan dooneyn in la magacdhabo, ayaa inoo sheegay in ma'suuliyiintaan lagu eedeenayo Musuq-maasuq iyo lacag laga dhunsaday qasnada bangiga dhexe ee Soomaaliya, Maxkamadna lasoo saari doono todobaadkaan fooda nagu soo haya.

Wasiiradda Maxkamadda looga yeeri doono ayaa kala ah:

  • Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdi Canshuur Xasan
  • Wasiirka Amniga - Maxamed Abuukar Islow Ducaale
  • Shaqada iyo Arrimaha Bulshada - Sidiiq Xirsi Salaad

Isha ay KON ka heshay macluumaadkaan ayaa sidoo kale sheegtay in amarka furitaanka kiiskaan uu ka yimid Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xukuumadda Federaalka ayaa haatan ah mid ku-meel-gaar ah kadib markii kursiga cod aqlabiyad ah looga tuuray RW hore Xasan Cali Kheyre, kaas oo lagu eedeeyay in uu ku fashilmay ka-mirodhalinta yoolalkii ay xukuumaddiisu degsatay saddex sano iyo bar ka hor.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayee aheyd markii Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud uu digniin adag u diray masuuliyiinta iyo hay'adaha caadeystay musuq-maasuqa iyo ku daneysasiga awoodda Xafiisyada dawligaa.

Sidoo kale, Maxkamadda Gobolka ayaa dhawaanahaan xukunno xabsi ganaax lacageed ah isugu dartay masuuliyiin ka tirsan Dowladda iyo shaqsiyaad kale oo lagu helay falal la xiriiro musuq Maasuq iyo xatooyo Xoolo Dadweyne. 

Arintaan uu Farmaajo wado ayaa waxay u egtahay, Khaniin inta aysan ku khaniinin.

Wixii kusoo kordha warkaan kala soco Keydmedia Online. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.