Guddi loo xilsaaray rabshadihii NISA ay ka geysatay Garoonka Muqdisho

Wasiirka Amniga xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Xundubey ayaa magacaabay guddi baaritaan ku sameeya rabshadihii Ciidamada NISA ay ka geysteen gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Guddi loo xilsaaray rabshadihii NISA ay ka geysatay Garoonka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa magacawday Guddi soo baara Rabshadihii ka dhacay gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeysa laba maalin kaddib markii ciidamada awoodda badan ee dhar-cadka NISA ay weerareen shaqaalaha Imigration ka xilli ay ku guda jireen shaqadooda caadiga ah ee maalintaas.

Hoos ka akhriso waraaqda magacaabidda:

Rabshado sababay dhaawaca qaar kamida shaqaalihii garoonka ayaa waxay dhaceen Khamiistii ina dhaaftay, muuqaallo laga soo duubay goon lagu dagaallamayo ayaa lagu arkayay ciidanka dhar-cadka ee ka amar qaata Fahad Yaasiin oo gudaha garoonka ku garaacaya mid kamida shaqaalaha garoonka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].