Yuusuf Axmed Kheyr “Xabsiyadeena dad badan baa ku xiran”

Boosaaso(keydmedia) Iyadoo dhawaanahanba ciidamada Faroole ay ka wadeen magaalooyinka Garaawe iyo Boosaaso howl galo lagu xirxirayo dadka ku nool deegaanadaasi ayaa waxaa ka hadlay arinkaasi horjooge ka tirsan maamulka Faroole oo lagu magacaabo Yuusuf Axmed Kheyr.
Warar Keydmedia Online
Yuusuf Axmed Kheyr “Xabsiyadeena dad badan baa ku xiran”

Yuusuf oo ah u qeebsanaha arimaha Ammaanka ee Faroole ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay xabsiga u taxaabeen dad aad u badan oo badankood ay ka soo jeedaan koonfurta isla markaana la aaminsanyahay in ay xiriir la wadaan Shiikh Atam.

Dadka tirada badan ee ku jira xabsiyada Faroole kooxdiisa ay maamulaan ayaa qaarkood sii deyntooda waxaa lagu xiray lacag fara badan halka kuwa kalana la qorsheynayo in loo gudbiyo xabsiyo ku yaala gudaha Dalka Itoobiya.

 www.keydmedia.net