Shaar Dowladeed oo lagu dhibaateeyo Muwaadinka Soomaaliyeed

Warbixin Keydmedia Online

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan dambe aad ugu soo badanaya ku tagrifalka awoodeed ee Dad shacab ah loogu geysanayo shaarka Dowladda oo dhan kale loo soo xirtay, waa dulmanayaal weli loogu hanjabo shaar dowladeed. 

Shaar Dowladeed oo lagu dhibaateeyo Muwaadinka Soomaaliyeed

Baaritaan dheer oo ay sameysay Keydmedia Online ayeey ku ogaatay in ay jiraan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Muqdisho loogu geystay xad-gudub weyn, welina ay jiraan kuwo kale oo la dulmayo/.

Rag is biday awood, una maleeya in shaarka dowladda yahay kan kaliya ee dadka lagu gumaadi karo ayaa Muqdisho waxay Maalin walbo ku dhibaateen boqolaal Muwaadin oo aan dambi lahayn, waxaana Xabsiyada ku yaalla magaalada Muqdish Maalin walba lagu xiraa Dad aan waxbo galabsan, balse loo soo qabto "waan kaa awood badanahay".

C/raxmaan Nuur, waa dhibane aan Magaciisa Saxda ah qarinnay, wuxuu inoo sheegay in lagu xiray xarunta CID muddo hadda laga joogo Saddex Todobaad, waxaana loo xiray awood sheegasho un.

Waxay shaqo isku fahmi waayeen Muwaadin kale Soomaaliyeed oo Ganacsade ah, waxaana uu sheegay in markii uu ka tagay shaqadii lagu soo oogay Kiis been abuur ah, loona soo adeegsaday Rag ciidan ah oo Lacag la siiyey.

"Dhibaatada ma ahayn oo kaliya in xabsi la i dhigo ee sidoo kale waxaa jirtay handadaad la igu hayey, qofka waa xor oo meeshii uu doono ayuu u shaqeyn karaa, laakiinse in la i qafaasho oo xabsi la i dhigo baan aad ula yaabay, waxaa iiga daran in sharcigii aan is lahaa xaqaaqa baad ka heli la igu sii dulmiyey"

Dhacdooyinka kale ee cajiibka ah, welibana maalmahan dambe kusoo kordhay Muqdisho ayaa ah in qofka iska socdo wadada,  xoogaana yara dhalaalaya horey laga xirayo, waxaana lagu eedeynaa Al-shabaabnimo, si ehelkiisa loo qalqal geliyo kadibna Lacag lagu bixiyo.

Xabsiyada waxaa hadda ka buuxa Boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah, badi wax ay ku xiran yihiin ayaa ah in loo awood sheeganayo, laguna dhibaateynayo shaarkii dowladda.

Laaluush

Lama yaabeysid xilligan in Lacag laaluusha ah lagu weydiiyo, welibana ay kaa qaataan Rag ciidan ah oo cadaalad laga sugaye. Saldhigyada iyo goobaha kale ee dadka lagu xiro ayaa waxaa caadi ka noqotay in Lacag lagu qaato Qof lsoo xirayo ama in lacag lagu bixiyo Qof miskiin aan dambi lahayn siideyntiisa.

Waa macquul in Taliyeyaasha qaar aanay howlahan waxbo kala socon, balse inta badan waa kuwo shaqadan kaalin mug leh ka qaata.

Haddii xarumaha baarista sidan ay ka dhacdo, bal maxaa kale oo laga filan karaa dhanka Garsoorka?

Cabsida Muwaadinka

Muwaadinka Soomaaliyeed gaar ahaan kan ku sugan magaalada Muqdisho wuxuu xilli walbo ka baqaa in si Been abuur ah loo xiro, lagana qaado lacago laaluush ah. Sidoo kale, muwaadinka ayaa mar walba ah mid ka baqa in lagu dhibaateeyo shaarka dowladda, sababtoo ah marar badan ayaa lagu dhibaateeyey muwaadiniin badan.

Dalka waxa uu hadda ku jiraa marxalad adag oo kala guur ah, waana waqtiga ugu daran ee muwaadiniinta lagu xadgudbo. Iyadoo dowladda Farmaajo aanay wax badan oo muuqda u qaban shacabka Soomaaliyeed, shacabka waxaa loo ugaarsanayaa sida duur-joogta oo kale.

Alle ka sokow ma jirto cid u maqan dulmanayaasha weli loogu hanjabayo shaarka dowladda, mana jirto warbaahin si xor ah uga hadli karto dhibaatada iminka taagan.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 21 October 2020 6:33

Xalay waxaa lagu dhawaaqay liiska Golaha wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisulwasaaraha cusub ee Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasoo inta badan ahaa kuwii hora uga tirsanaa Xukuumaddii dhacday ee Xasan Cali Khayre uu hoggaaminayay.