Shalay yaan la iloobin!

Warbixin Keydmedia Online

Shacabka in ay muujiyaan dareenka ay qabaan waa Dastuuri, dowladana xaq uma lahan in ay isku daydo iney istaajiso rabitaanka dadweynaha, waa falanqaynta Wariyaha Keydmedia Online ee Muqdisho. 

Shalay yaan la iloobin!

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii talaadadda ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidan ka wada tirsan Dowadda federaalka Soomaaliya, oo kala ah Milatari iyo Booliis. Ciidanka Milatariga ayaa difaacayey dibadbaxyada ka dhanka ah Farmaajo ee Muqdisho ka dhacay, halka kuwa kalena ay kala eryayeen dibadbaxayaasha.

Inakastoo ay DFS qasab ku tahay iney ogolaato in dadka ay si xor ah u cabiraan dareenkooda, hadana mucaarad iyo muxaafid waxaa dhammaantood waajib ka saaran yahay ilaalinta dalka iyo dadka.

Siyaasiyiin mucaaradka ma ahan iney abaabulaan dagaal sokeeye, sidoo kale Farmaajo iyo inta la socotana waxaa laga doonayaa ka shaqeynta nabadda. Dagaalkii ka dhacay magaalada Muqdisho talaadadii waxaa ku dhimatay Afar qof oo shacab ah, waana tusaale shacabka ugu filan in aanay colaaddu wanaagsaneyn.

Amniga oo ah mid mar walba muwaadinka waajib ku ah inuu ilaaliyo ayaa hadana loo baahan yahay in laga fekero talaab walba oo la qaadayo.

Sida ay maalintaas Muqdisho wax uga dhacayn waxa ahayd wax laga qurux badan yahay, awoodda lagu dagaallamayna waxaa haboon in cadow looga qabto dalka.

Farmaajo oo lagu dhaliilsan yahay damaca muddo kororsi ama doorasho boob ayaa hadana waxa uu xaq u leeyahay in si nabad ah uu ku joogo Kursiga mudada yar ee u harsan.

SHARCI AHAANTA DIBADBAXII MUQDISHO

Shacabka in ay muujiyaan dareenka ay qabaan waa Dastuuri, dowladana xaq uma lahan in ay isku daydo iney istaajiso rabitaanka dadweynaha.

Sida wararka lagu helayo, waxaa jira xubno ay soo dirtay DFS oo qas ka dhex bilaabay shacabkii doonayey iney dareenkooda muujiyaan, waxaana taasi ay kasoo horjeeddaa dastuurka dalka u yaalla.

Qof walba ayaa xaq u leh inuu muujiyo taageero ama nacayb waxa uu u hayo dowladda jirta, mana ahan in madaxda DFS ee uu ugu horreeyo Farmaajo inay baqaan.

SHACABKU WAA DULMANAYAAL IS DULMIYEY

Shacabka Soomaaliyeed oo og dhibka ay kasoo mareen in marxaladda maanta dalka uu joogo a gaarsiiyo, sidoo kalena dagaal sokeeye iyo colaad aan dhammaan ay kusoo dhex jireen mudo 30 sano ah, ayaa weli u muuqda kuwo wax walba is ilowsiinaya.

Dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ha ahaadaan mucaarad ama mucaafid, dhammaantood waxa ay dibadaha geysteen ubadkooda, waxaana ay dalka u joogaan in waxa ay rabaan ku raadiyaan awood, haddii ay waayaanna ay dhiigga dhallinyaro la mid ah caruurtooda daadiyaan.

Labadii ciidan ee ku dagaallamay dhammaan waa dhallinyaro Soomaaliyeed, balse siyaasiyiinta caruurtooda dibadaha geystay ayaa doonaya iney xaabo ka dhigtaan.

Ma jiro siyaasi ogol in canugiisa qori qaato ama dagaal uu galo, xitaa ma ogola in dalka ay ubadkooda yimaadaan oo nabad ku joogaan, sababtoo ah waxa ay ogyihiin waxay dalka ku hayaan.

MAXAA DAN AH?

Danta ugu weyn ayaa ah in shacabkeena aqoonsadaan dalkooda in wax walbo ka muhiimsan yahay, sida nin jeclaysi ama u sacaba tumis qabiil.

DFS ayaa dhankeeda dooneysa in ay qaban-qaabiso dibadbax lagu taageerayo Farmaajo, cid ay ku tashanayaanna waa shacabkii maanta la dhammeeyey.

Siyaasigu cidna kama dhimato oo qofkii dhintaa waxa uu helayaa qof kale oo u bedala, waana sababta ay caruur badan agoon u noqdeen, hooyo badanna u gablantay.

Shacabka ayeey ku xiran tahay in dalka nabaddiisa ka shaqeeyaan, sidoo kale ay awood dhab ah uga hortagaan cid walbo oo ay u arkaan in dalka dhib ku hayo, dal walbana dadkiisa ayaa wax ka dhiga.

Soomaaliyeey, dariiqi Shalay yaan dib loogu noqon!

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 22 April 2021 10:00

Daawo Qeybta Labaad ee Barnaamijkaan - Iyadoo laga duulayo in dadweynaha Soomaaliyeed laga haqabtiro wararka, xogaha iyo xaaladaha dhabta ah ee dalka Soomaaliya ka jira ayaan si gaar ah ugu lafagurnaa barnaamijka diiradda amniga kuna soo bandhignaa barnaamijyo si qotodheer uga hadlaya dhacdooyin la xiriira amniga.