Keydmedia Online Topic page

Maxamed Cabdulaahi Maxamed ‘Farmaajo’

Maxamed Cabdulaahi Maxamed ‘Farmaajo’ waa Madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maxamed Cabdullaahi Farmajo waxa uu ku dhashay Caasimada Muqdisho sanadkii 1962-dii. Waxa uu dugsiga dhexe uga baxay iskuulka 1-da Luuliyo, kan sarena wuxuu ku qaatay dugsigii farsamada gacanta ee Lafoole.

Faramaajo waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo muddo dheer deganaa magaalada New York ee dalkan Maraykanka. Wuxuuna horey usoo noqday Ra’isul Wasaare laga soo bilaabo Nofeembar 2017 ilaa Juun 2011 waana aasaasaha ahan Xoghayaga-Guud ee Xisbiga Tayo.

Kani waa bogga ‘Farmaajo’ ee Keydmedia Online

News Keydmedia Online | 27 September 2021

Cabdi Xaashi ayaa ku yeeshay saameyn soo xulista Musharixiinta kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland, iyadoo kursigiisa ka dhigay mid aan lagula tartamaynin.

News Keydmedia Online | 16 September 2021

Dowladnimada Soomaaliya waa mid aad u jilicsan oo jabi og, waxaana khilaafka soo noq-noqday ee Madaxda dalka curyaamiyay hanaanka dib usoo kabashadda iyo dib u dhiska.

News Keydmedia Online | 31 July 2021

Xubnaha Aqalka Sare waxaa lagu soo xulataa qaab musuq-maasuq iyo nin jeclaysi uu ku jiro, waxaana saameyn ku leh Villa Somalia.

Report Keydmedia Online | 22 May 2021

Afartii sano ee xukunka Farmaajo, waxaa si isdaba loogu xad-gudbay xeerarka warbaahinta iyo xoriyadda hadalka, iyadoo la isku dayay in la aamusiyo saxaafadda madaxa banaan ee Soomaaliya, tani waa Warbixinta tifaftiraha Keydmedia Online ee Muqdisho. 

News Keydmedia Online | 22 April 2021

Ururka Midowga Yurub wuxuu ku baaqey in si deg deg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka, iyadoo aan dib loo dhigin, laguna saleynayo heshiiskii September 17.

Report Keydmedia Online | 20 April 2021

Afartii billood ee lasoo dhaafay, Soomaaliya waxaa ka dhacay in ka badan 20 weerarro argagixiso iyo dilal ah oo ay geysatay Kooxda Al-Shabaab, oo ka faa’idaysanaysa habacsanaanta amni iyo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, tani waa Warbixinta tifaftiraha Keydmedia Online ee Caasimadda. 

Report Keydmedia Online | 27 March 2021

Dembiilihii shalay ayaa maanta noqday shaqsi muhiim ah oo maal iyo muruq badan lagu bixiyay inuu dowladda kusoo biiro, Keydmedia Online ayaa macluumaad ka heshay sababta Cabdirashiid Janan uu iskugu soo dhiibay dowladda Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo wuxuu ku bedeshay is-dhiibistiisa. 

Taariikhda Madow ee Siyaad Barre

Farmaajo: Shalay wax ka baro

Editorial Keydmedia Online | 10 February 2021

Taariikhda Madow ee uu ka tagay Siyaad Barre waxaa jira qaybo badan oo aan weli la soo bandhigin daboolkana laga qaadin, barnaamijkaan gaarka ah, Keydmedia waxey idiin soo bandhigeysa Xasuuqii ka dhacay Bay & Bakool. Maxamed Siyaad asiga oo ku naf raadsanaya Gobolka Gedo, tuulada Buurdhuubo, wuxuu geystay Xasuuq baaxad weyn, kadibna xaaluufiyay wixii hanti ahaa oo ay dadka daga Bay iyo Bakool lahaayeen; waa dukaamo, waa bakaaro, waa xoolo.

News Keydmedia Online | 8 February 2021

Farmaajo isna waxaa lagula taliyay maadaama mudo-xileedkiisu dhamaadey inuusan dastuurka ku xadgudbinm taasoo u uku wayn karo mudnaanta in loogu yeero madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dagaal Beelleed oo Shaar loo galiyay

Dagaalka Axmed Madoobe & Farmaajo ee Gedo

Report Keydmedia Online | 30 January 2021

Xiisadda ka jirta Gobolka Gedo iyo Dagaalkii ka dhacay Balad-Xaawo waa dagaal beelleed oo shaar loo galiyay, waa dagaal uu Madaxweyne Farmaajo rabo in uu kaga aar-guto beesha Axmed Madoobe oo sida uu aaminsan yahay ka fara maroojisay maamulka magaalada Kismaayo. Gedo waxaa ka socdo dagaal Sokeeye oo Mareexaan iyo Ogaadeen u dhaxeeya. 

Editorial Keydmedia Online | 25 January 2021

Laba maalin ka dib doorashadii madaxweyne Farmaajo waxaan qoray maqaal dheer oo aan ku lafoguraayey khudbaddiisii doorashada, waxa looga fadhiyo, qorshihiisii Nabad iyo Nolol. Marka laga soo tego wixii aan ku qoray maqaalkaas, waxaan ka mid ahaa dadkii rejada wanaagsan ka qabay in dalka uu gaarsiin doono doorasho qof iyo cod, taas oo xor ka ah farogelin nooc kasta. Sanad ka dib doorashadiisa, waxaan ka niyadjabay sida ay wax ku socdaan.

News Keydmedia Online | 20 January 2021

Ciidamada ayaa ku jira xiligan qeybta Cargo - Xamuulka diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cadde kadib markii ay heleen xogta ku saabsan in Mucaaradka Lacag u timid.