Keydmedia Online is under expansion!
Maxamed Cabdulaahi Maxamed ‘Farmaajo’ waa Madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maxamed Cabdullaahi Farmajo waxa uu ku dhashay Caasimada Muqdisho sanadkii 1962-dii. Waxa uu dugsiga dhexe uga baxay iskuulka 1-da Luuliyo, kan sarena wuxuu ku qaatay dugsigii farsamada gacanta ee Lafoole.
Faramaajo waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo muddo dheer deganaa magaalada New York ee dalkan Maraykanka. Wuxuuna horey usoo noqday Ra’isul Wasaare laga soo bilaabo Nofeembar 2017 ilaa Juun 2011 waana aasaasaha ahan Xoghayaga-Guud ee Xisbiga Tayo.
Kani waa bogga ‘Farmaajo’ ee Keydmedia Online
Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in Mursal uu ka shaqeynayo mudo korarsiga Farmaajo, sidaasi uu ku taageeray mooshinka xilka looga qaaday Kheyre.
Arintaan ayaa banaanka soo dhigeyso shaki laga qabay kala aragti duwaanaashaha Farmaajo iyo Kheyre ee dhanka doorashadda.
Labada Madaxweyne ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda oo safar dhinac dhulka ah ay ku tageen, waxaana lagu wadaa inay kulamo la yeesheen mas'uuliyiin kala duwan.
Mursal iyo Muudey ayaa la sheegay inay ka shaqeynayaan qorshaha Farmaajo ee fashilinta heshiiska Dhuusamareeb ee arrimaha doorashooyinka dalka.
Ururada taageero Soomaaliya ayaa qodobadii laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb u arka talaab horey loo qaaday.
Villa Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii uu kursiga ugu sii fadhin lahaa Madaxweyne Farmaajo, oo mudo xileedkiisu sii dhamaanayo.
Gudoonka Gollaha Shacabka ayaa sheegay in ajandaha kulanka Maanta uu yahay ka doosista doorashadda 2020-21, taasoo khilaaf uu wali ka taagan yahay nooc ay noqon doonto.
Axmed Madoobe ayaa u muuqda inuu ku qanacsan yahay dhexdhexaadinta laga sameyanyo Khilaafka maamulkiisa iyo Villa Soomaaliya, oo horey u diiday inay aqoonsato natiijadda doorashadii August 2019 ka dhacday Kismaayo.
Maareeye ayaa hadalkan sheegay kadib markii Dowladda cadaadis kala kulantay Beesha Caalamka, oo ku aadan ka qeybgal la'aanta Xisbiyada ee Wadahadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.
Qodobada heshiiska waxaa ugu muhiisan in Doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay, islamarkaana la sameeyo gudi isku dhaf ah oo kasoo shaqeeyo nooca ay noqon karto.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaanan la dhacsaneyn hanaanka siyaasadeed ee dwoladda haatan jirto.
Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha doorashooyinka dalka.