Keydmedia Online is under expansion!
Maxamed Cabdulaahi Maxamed ‘Farmaajo’ waa Madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maxamed Cabdullaahi Farmajo waxa uu ku dhashay Caasimada Muqdisho sanadkii 1962-dii. Waxa uu dugsiga dhexe uga baxay iskuulka 1-da Luuliyo, kan sarena wuxuu ku qaatay dugsigii farsamada gacanta ee Lafoole.
Faramaajo waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo muddo dheer deganaa magaalada New York ee dalkan Maraykanka. Wuxuuna horey usoo noqday Ra’isul Wasaare laga soo bilaabo Nofeembar 2017 ilaa Juun 2011 waana aasaasaha ahan Xoghayaga-Guud ee Xisbiga Tayo.
Kani waa bogga ‘Farmaajo’ ee Keydmedia Online
Askari katirsan Ciidanka dawladda, oo ilaalo ka ah xarunta maamulka Gobolka Banaadir, ayaa 24-ka bishan jirdil u geystay guddoomiyaha xilli ay doonaysay inay ka qeybgasho munaasad lagu xusayay sanad-guuraddii 1aad ee kasoo wareegatay qaraxii lagu dilay Eng Yariisow.
Tan iyo markii xilka laga qaadey Xasan Cali Kheyre, waxaa Villa Soomaaliya ka socday kulamo xasaasi ah, oo ku aadan magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Mooshinkii lagu riday xukuumaddii Kheyre ayaa la sheegayaa in ay daba riixeysay Villa Soomaaliya, iyadoo dhaqaalo badan lagu bixiyay shirqoolka siyaasadeed.
Waxaa looga digay Villa Soomaaliya inay isku soo koobto go'aannada doorashooyinka, taasoo noqonaysa mid sharci-darro ah, oo aan la dhaqan-gelin doonin.
Wasiirka ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegga internetka inay taxadar dheeri ah iyo heegan muujiyaan maalmaha soo socda inta cilladdan laga wada xallinayo si uusan hakad u galin adeegga ay bixiyaan.
Internet-ka ayaa hawada laga saarey saacado kadib markii Kheyre xilka laga qaadey, oo baraha bulshada qabsaday hadal-heynta isbedelka dhacay, oo ahaa mid aan horey loo arag intii ay jirtay dawladda uu hogaamiyo Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka shidaal-qaato Abiy Axmed, oo xiriirkooda uu fiicnaa tan iyo 2018 markii uu isedelka ka dhacay wadanka Itooboya, oo mudo qas iyo faragelin ku hayay siyaasadda Soomaaliya.
Booqashadiisa ayaa noqonaysa mid kusoo beegmaysa xili laga cabsi qabo in lacagta Dawladda ay lunsadaan shaqsiyaadka gacanta ku haya maadaama dalka uu Marxalad cusub, oo kala-guur ah galay.
Safarka Qoor Qoor wuxuu noqonayaa midkii ugu horeeyay tan iyo doorashiisii Febuary 2020, wuxuuna imaanayaa xili Farmaajo billaabay xulushadda Ra'iisul Wasaare cusub.
Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa qabtey Shir Jaraa'id markii uu kusoo laabtay Muqdisho, isagoo ku dhawaaqay inuu iska-casilay xilka, waxuuna ku tilmaamay go'aankii Gollaha shacabka mid sharci darro ah, oo aan wadadii saxda ahayn loo marin.
Xukuumad cusub ayaa la filayaa in dalka loo soo magacaabo mudo bil gudaheeda ah, iyadoo Kheyre xilka qaadiisa laga baqayo inay jahwareer keento.
Kalsooni kala noqoshada xukumadda ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dalka ay ka taagneyd dood siyaasadeed la xiriirta in doorasho ay waqtigeeda ku dhacdo iyo in sida Xaliimo Yarey ay Baarlamaanka u sheegtay loo baahanyahay waqti dheeri ah si loo qabto doorasho.