Abiy Axmed: Fursaddii aan siinnay TPL wey dhammaatay

Dagaalkan ayaa laga baqayaa in uu isku bedalo mid sokeeye.

Warar Keydmedia Online
Abiy Axmed: Fursaddii aan siinnay TPL wey dhammaatay

ADDIS ABABA, Itoobiya - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in ay dhammaatay Saddexdii maalmood ee ay u qabteen Jabhadda TPLF in ay isku soo dhiibaan.

Abiy ayaa sheegay in arrintan ay keenayso in dagaal jabhaddaas lagu soo afjarayo lagu qaado caasimadda gobolka Tigray ee Maqalle.

Qoraal uu Ra’iisul Wasaaruhu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in haddii uu waqtigii loo qabtay jabhadda in ay isku soo dhiibaan ay qaadaan tallaabo kama dambeys oo lagu dhaqangelinayo sharciga.

Sidoo kale qoraal la soo dhigay barta xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay weerarro dhanka cirka ah ka fuliyeen duleedka Caasimadda Tigray.

Wararka sheegaya in ciidamada dowladdu ay duqeymo la beegsadeen Maqalle oo ay dad rayid ah ku geeriyoodeen ayay dowladdu ku tilmaantay kuwo been abuur ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.