CID oo $5kun ku xirtay siideynta Hooyo Soomaaliyeed

Xarunta Baarista Danbiyada Culculus ee CID iyo Saldhiyada Booliiska ayaa caado ka dhigtay qaadashada laaluushka.

Warar Keydmedia Online
CID oo $5kun ku xirtay siideynta Hooyo Soomaaliyeed

Qoyska Samiira Xuseen Xasan C/laahi oo ah hooyo Soomaaliyeed, islamarkaana ku xiran xarunta dambi baarista ee dalka CID ayaa si cad u sheegay in gabadhooda oo si gar-darro ah ugu xiran halkaasi, hadana lacag lagu xiray siideynteeda.

Waxa ay sheegeen in gabadhooda markii la xirayey ay isku dhaceen naag ay sheegeen iney xadi rabtay gabar ay dhashay Samiira, hase ahaatee markii ay gacan iskula tageen Labadoodii loo waday saldhigga War-dhiigley si arrintan wax looga qabto.

Saldhigga ayaa dacwaddan maadaama ay quseyso ilmo la xadi rabay ku wareejiyay CID.

"CID si bareer ah ayeey inoo weydiisteen $5 kun oo doolar, ilaahay ayaa xq-soore ah, Soomaaliya waxau musiibada ugu dhacayso waa sidan oo kale" ayuu yiri qof ehelka Samiira ka tirsan.

Aabe Xuseen C/laahi ayaa isna ka codsaday shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo arrintan wax ka geli karta iney wax u qabtaan.

Keymedia Online ayaa soo bandhigtay tacaddiga iyo dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan lacagaha looga qaato xarumaha dambi baarista.

Dowladda Farmaajo oo sheegan jirtay iney la dagaalameyso musuqa ayaaba sii dhiiro-gelisay musuqa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.