Ciidamad Jubbaland oo howlgal ka sameeyey Kismaayo

Kismaayo ayaa muddooyinkan dambe waxaa kusoo badanayey falalka amni darri.

Warar Keydmedia Online
Ciidamad Jubbaland oo howlgal ka sameeyey Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ciidamada Jubbaland ka sameeyeen howlgal ballaaran oo ammaanka lagu sugayey.

Ciidamada aya mid mid u baarayey guryaha ku yaalla magaaladaasi, waxaana la sheegay in dad badan lagu soo qabtay howlgalkaan.

Waxa ay ciidanku soo qabteen sida la sheegay dhallinyaro aad u badan oo qaarkood laga qabtay waddooyinka, halka kuwo kalena guryaha laga soo qabtay.

Waxaa la isugu geeyey goob barxad ah, si loo kala saaro, iyadoo intii badneyd ee dhalinyarada lasoo sheegayo in lasoo daayey.

Saraakiisha ammaanka Jubbaland ayaa ku sheegay ulajeedka howlgalkaan inuu yahay sidii ay ammaanka u xaqiijin lahaayeen.

Kismaayo waxaa kusoo batay waayadan dambe falalka amni darrida ah, waxaana ka dhacay dilal qorsheysan iyo sidoo kale qaraxyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.