Cumar Filish: Dadka Muqdisho diyaar uma ahan in uu dagaal dhaco 

Nabad iyo Nolol ayaa u muuqata mid xilli walba isku diyaarisay dagaal ka dhaca Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Cumar Filish: Dadka Muqdisho diyaar uma ahan in uu dagaal dhaco 

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa sheegay in shacabka Muqdisho aanay aqbali doonin in magaaladooda dagaal uu ka dhaco, isaga oo sheegay in cid walbo oo Soomaaliyeed uu waajib ka saaran yahay ilaalinta amniga caasimadda.

Filish oo u muuqda mid mar walbo fulinaya ammarka Fahad Yaasiin ayaa meel walbo oo uu hadal ka jeedinayo waxa uu ku cel-celiyaa in Muqdisho cabsi dagaal ay ka jirto, weliba isaga oo si dadban u sheegaya.

Dhanka kale, Cumar Filish ayaa sheegay in si niyad ah ula shaqeyn doono musharrax walba oo doonaya in si nabad ah uu Muqdisho kusoo bandhigo aragtidiisa siyaasadeed ee ku aaddan waxa uu dalka u qaban doono.

"Muqdisho waxyaabihii ay soo martay waad ogtihiin, inta wiil iyo gaba ree ku dhimatay ama ku naafowday in nabaddaan la gaaro darteed waad la socotaan, in marka dedaalkii, juhdigii, dhaqaalihii iyo dhiiggii loo daadiyey ammaankaa in si fudud la isaga baabi'iyo waa damiir xumo, waana mid aan hubo in dadkeena aanu markaan aqbaleyn, waxaan rabaa in qof walbaa oo Soomaali ah u hiiliyo magaaladan caasimadda ah, qof walbo oo damac siyaasadeed leh waxaan kusoo dhoweyneynaa in magaaladaan isku soo sharaxo, meesha uu doona ka tago ayaan kala shaqeyneynaa si nabad ah" ayuu yiri Filish.

Cumar Filish ayaa horay ugu hanjabay musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha, isaga oo ka duulaya ammarka uu kasoo qaatay Farmaajo oo aan Villada soo dhaafin.

KEYMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.