Daahir Geelle: Madaxweyne dalka horey ayad uga dartaye ee hadane ha uga sii darin

Farmaajo ayaa siyaasad ahaan dalka uga daray, iyadoo Soomaaliya ay haatan ka jirto xaalad siyaasadeed middii ugu xumeyd ebed.

Warar Keydmedia Online
Daahir Geelle: Madaxweyne dalka horey ayad uga dartaye ee hadane ha uga sii darin

Musharrax madaxweyne, Daahir Maxamuud Geele ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in dalka uusan uga sii darin xaaladda siyaasadeed ee hadda uu ku jiro, isaga oo sheegay in Farmaajo uu dalka qalqal geliyey xilli xasilooni ay jirtay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Farmaajo maalinta uu xilka ka dagayo aanu isku amaani doonin inuu tagay iyadoo ay xasilooni siyaasadeed jirta, ama mucaaradka ay macaamileen, wuxuuna tilmaamay iney jiraan rag mucaarad ahaa oo arrintaasi darteed oo dilay.

“Madaxweyne ma dhihi doontid maalinkaad xilka ka degayso dalka qalalaaso siyaasadeed kama jiraan, mid amni kama jiro, mucaarado siyaasaded oo dalka igula noolaan waayay oo dibadda jiro ma ay jirto, iyadoo mucaarad badan aad dhishay oo ay duugan yihiin” ayuu yiri Daair Geelle.

Farmaajo ayaa siyaasad ahaan dalka uga daray, iyadoo Soomaaliya ay haatan ka jirto xaalad siyaasadeed middii ugu xumeyd ebed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.