Dab ka kacay suuq ku yaalla degmada Wanlaweyn

Dabkan oo xooganaa ayaa si lama filaan ah halkaasi uga kacay.

Warar Keydmedia Online
Dab ka kacay suuq ku yaalla degmada Wanlaweyn

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helaya dab xoogga oo xalay ka kacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, wuxuuna dabkaas geystay khasaare hantiyeed.

Dadbkan ayaa ka bilowday mid ka mid ah dukaamada ku yaalla suuqan, waxaana uu ku fiday xarumo ganacsi oo badan, isaga oo dhulka dhigay dhammaan dukaamadii halkaasi ka dhawaa.

Dadka deegaanka ayaa saq-dhexe ee xalay waxay ku guuleysteen in ay dabkan damiyaan, iyaga oo aan haysan dab-damis, sidoo kalena aanu jirin cid maamul ah oo taageertay, lamana shaacin weli khasaaraha hantiyeed ee dabkaasi ka dhashay inta uu la egyahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.