Dabageed: Waxaan diyaar u nahay inaan qancinno Jeneraal Xuud

Shacabka B/weyne ayaan la ogeyn sida lagu qancin doono.

Warar Keydmedia Online
Dabageed: Waxaan diyaar u nahay inaan qancinno Jeneraal Xuud

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed yaa sheegay in ay diyaar u yihiin iney xaliyaan tabashada Jeneraal Xuud, welibana ay miiska wadahadalka ay fariistaan.

Waxa uu sheegay Dabageed in iyagu aanay marnaba diyaar u ahayn iney duulaan ku qaadaan halka uu ku sugan yahay Xuud, mar walbana ay diyaar u yihiin qancintiisa.

"Abuukar Xuud meesha uu deggan yahay annaga ma kasi weynin, ma rabno inaan weerarno oo soo qabanno ama aan meeshiisa ku dilno, waxaan u baahannahay waa wadahadal iyo is faham" ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Dhanka kale, Yuusuf Dabageed oo soo hadal qaaday cidda leh mas'uuliyadda dadkii ku waxyeeloobay dibadbaxyadii ka dhacay B/weyne ayuu tilmaamay iney ka mas'uul yihiin cidda soo dirtay.

"Cid walba oo dhib uu soo gaaray waxaa mas'uul ka ah cidda soo banaanbixisay oo beenta usoo sheegtay"

Hirshabelle iyo DFS ayaa isku dayaya in shacabka B/weyne awood ku maquuniyaan, iyadoo taasi ay xaaladda kasii dareyso.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.