Shabakad ka ganacsata carruurta oo Nairobi lagu qabtay

Muqdisho maalin walbo waa la qabtaa kuwo caruur xada, balse inta laga qaato qarashaad ayaa la iska sii daayaa.

Warar Keydmedia Online
Shabakad ka ganacsata carruurta oo Nairobi lagu qabtay

NAIROBI, Kenya - Booliska Kenya ayaa sheegay in ay xireen dad ka tirsan shabakad ka ganacsata carruurta oo Nairobi ka dhisan.

Sidoo kale booliska ayaa sheegay in ay xireen saddex ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada dowladda kuwaa oo la tuhunsanyahay in ay xubno ka yihiin shabakkadan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska taliyaha guud ee booliska Kenya, Hillary Mutyambai ayaa lagu sheegay in dadka ku lugta leh ka ganacsiga sharci darrada ah ee carruurta ay kamid yihiin Saraakiil sare oo ka tirsan howlwadeennada caafimaadka ee Kenya.

Taliyaha ayaa booliska amar buuxa ku siiyay inay baaritaan ku sameeyaan xarumaha lagu xannaaneeyo carruurta, cisbitaallada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda ee lala xiriirinayo arrintan.

Todobaadkan ayay ahayd markii ay BBC-du baahisay barnaamij dabagal ah oo ay ka diyaarisay shabakad ka dhisan Nairobi taas oo ka shaqeysa ka ganacsiga carruurta la soo xado.

Carruurta ay shabakaddan ka ganacsato ayaa warbixinta lagu sheegay in badanaa laga soo xado isbitaallada dadweynaha ee ku yaalla Kenya.

Shabakaddan iyo Muqdisho

Sida dad badan oo horey loo qabtay u sheegeen in caruur ay xadeen ay u wadeen dalka Kenya, taasi oo muujineysa in shabakaddan ay tahay mid isku xiran oo geeska Africa oo dhan ah.

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay dad badan oo caruur xadayey, waxaana lacago laaluush ah ay siiyeen hay'adaha ammaanka kuwaasi iska sii daayay.

Waalidiin badan ayaa caruurtooda la' kuwaas oo aan ogeyn halka lala aaday, mana jirto dowlad u damqata shacabka Soomaaliyeed, oo dowladda iyada ayaaba ku mashquulsan qaadashada laaluush iyo boobka shacabka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.