Dagaal ka dhacay deegaanka Hosingow ee J/hoose

Dagaalka ayaa ahaa mid xooggan, waxaana la isku adeegsaday hub culus.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay deegaanka Hosingow ee J/hoose

Dagaal ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay deegaanka Hosingow ee gobolka Jubada Hoose, waxaana dagaalkaasi uu u dhaxeeyey ciidanka Jubbaland oo garabsanaya kuwa Kenya iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, Al-shabaab ayaa dagaal saf ballaaran ah waxay kusoo qaadeen fariisin ay ciidankan ku lahaayeen halkaasi, waxaana la isku adeegsaday hub aad culus.

Saraakiil u hadashay ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Al-shabaab ka dileen 5 dagaallame, kana qabsadeen hub iyo sahay ciidan oo kale.

Ururuka Al-shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin dagaalkan ay ku qaadeen saldhigga ay ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Hosingow.

Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ka dhan ah ciidanka DFS, kuwa maamul goboleeyda iyo AMIOM, xilli lagu jiro waqti kala guur siyaasadeed ah.

21-kii bishan, sidan oo kale ayeey Al-shabaab weerar ugu qaadeen fariisin ay ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya ku leeyihiin gobolka J/hoose.


Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.